Dagaal lagu laayey Shabaab oo galabta ka dhacay Hiiraan iyo deegaano laga qabsaday

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka oo garabsanaya xoogagga deegaanka ee macawiisley iyo Al-Shabaab ayaan maanta duhurkii ka billoowday deegaanka Beerxaano ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay deegaankaas ku weerareen Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay mid ka mid ah dagaalladii ugu cuslaa ee Hiiraan ay ku galeen Al-Shabaab.

Sarkaal lagu magacaabo Xasan Faarax Guuleed oo kamid ah saraakiisha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in 27-xubnood Al-Shabaab looga dilay dagaalkii galabta, dhamaan deegaanadii lagu dagaalamayna ay ka xoreeyeen.

Deegaanka Beerxaano ee dagaalkaas culus uu ka dhacay ayaa jihada koonfur ka xiga magaalada Beledweyne, wuxuuna u dhow yahay wabiga Shabeelle oo dhinaca galbeed ay ka joogaan Al-Shabaab.

Sarkaalka u hadlay ciidanka xoogga dalka ma uusan shaacin khasaaraha dhankooda ka soo gaaray dagaalkii ay galabta la galeen Al-Shabaab, oo caawa maqribkii soo gaaray.

Sida ay ogaatayb Caasimada Online deegaanka Beer-xaano iyo deeganada ku teedsan ee dagaalka uu ka dhacay ayaa laga saaray Al-Shabaab, waxaana caawa kun sugan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo aad u abaabulan.

Dagaalkii lagu xoreeyey deegaanadaas oo ahaa mid culus, dhowr jeer-na la isku rogaal celshay ayaa caawa soo gaaray, waxaana ugu dambeyntii ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka u suurta gashay inay gacanta si buuxda ugu dhigaan deegaanadii lagu dagaalamay galabta.

Dagaalka ka socday gobolka Hiiraan ee Al-Shabaab looga xoreeyey guud ahaan deegaanada bari ee gobolkaas ayaa hadda ku fiday galbeed oo dhul badan ay Al-Shabaab weli ka joogaan.

Ciidanka maanta weeraray Beerxaano iyo deegaanada u dhow ee koonfur ka xiga Beledweyne ayaa qorsheynaya inay ku sii socdaan dhulka weli ku jira gacanta Al-Shabaab oo Hiiraan ka tirsan.

Gobolka Hiiraan waa kan ugu adag oo Al-Shabaab ay ku mintidayaan dagaallo culus-na ay ku gelayaan, balse waxaa muuqata in hadda loo jigeystay deegaanadii ugu dambeeyey ee gobolkaas ay kooxdu ka joogtay mudooyinkaan.