Tallaabadii ay qaaday DF oo meesha ka saareysa dhaqaale ay heli jirtay Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo saartay amar ay hay’adaha gar-gaarka iyo kuwa horumarinta ku faraysay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo guuraan dalka.

Amarkan oo kasoo baxay wasaaradda qorsheynta iyo maalgashiga caalamiga ah ayaa waxa looga gol leeyahay in kor loogu qaado dakhliga dalka iyo arrimaha shaqo abuurka.

Go’aankan oo faa’iido badan u leh Soomaaliya, ayaa dhanka kale waxa uu meesha ka saaraya dakhligii faraha badna ee hay’adahan gelin jireen dalka Kenya.

Hay’adahan ayaa intooda badan hadda degan Kenya, waxaana muddooyinkii dambe faa’iido badan ku qabay dalkaasi, haday noqoto madaxda iyo shaqaalaha ay qaadanayaan iyo haddii ay noqoto kharashka ay bixinayaan.

Marka ay hay’adahaan usoo guuraan dalka waxay kusoo kordhinayaan dhakhliga ay ku kireystaan gaadiidka, guryaha, agabka ay iibsadaan, cuntada iyo dhamaan tas-hiilaadka kale oo ay xitaa isgaarsiinta kamid tahay.

Fa’iidada kale ee arrintaan ay leedahay ayaa waxaa kamid ah in gudaha dalka ay ka qabsoomaan siminaarada, shirarka, aqoon isweydaarsiyada, daraasadaha iyo dhamaan howlaha kale, kuwaasi oo kasoo xaroonaya dakhli gudaha ah.

War-saxaafadeed Isniintii kasoo baxay wasaaradda qorsheynta ayaa waxa hay’addahaas loo qabtay si ay u fuliyaan amarkaan muddo laga bilaabo 30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023.

Go’aankan cusub ayay ku sheegtay wasaaraddu “inay qaadatay ayada oo la tix-gelinayo xaalada amni ee waddanka oo soo hagaageysa kadib howl-galada guuleystay ee ka dhanka ah argagixisada.”