25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Sawirro: Shabeel weerar ku qaaday carruur iyo dad waaweyn, Sh/Hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaa lagu dilay Shabeel dad weeraray.

Shabeelka ayaa weeraray dad ku sugnaa degmada, gaar ahaan Xaafadda Caanoole oo ay ku jireen carruur yar yar iyo dad waaweyn.

Dad isku dayaayay inay ka badbaadiyaan caruurta yar yar Shabeelka ayaa sidoo kale halkaasi ku dhaawacmay, kadib markii Shabeelka uu isku wada maray caruurtii yar yaraa iyo dadkii waaweynaa ee isku dayaayay inay caruurta badbaadiyaan, waxaana halkaasi ku dhaawacmay illaa 7 ruux.

Mas’uuliyiinta Degmada Wanlla-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in aysan ogeyn sababta keentay in Shabeelka uu soo qaado weerarkaan.

Ciidanka Booliska Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa toogtay Shabeelka

Maamulka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose oo wada baaritaanada la xiriira dhacdadan ayaa ku jahwareersan halka uu ka soo galay Shabeelkan, maadaama degmada aysan laheyn Hood ama meel xaywaanada waa weyn ay ku nool yihiin.

- Advertisement -

Read more

Local News