Maxaa hortaagan in ay shirkada DPWORLD la wareegto dakada Boosaaso?

Boosaaso (Caasimadda Online) –  Sida uu qorshuhu ahaa 1dii bishaan October ayay ahayd in maamulka Puntland ay dakada Boossaaso ku wareejiyaan shirkada DPWORLD oo Puntland horay ula gashay hishiis mudadiisu ay tahay 30 sanadood.

Dad badan ayaa aaminsanaa maalmihii lasoo dhaafay in ay sabab u tahay hakad-ka ku yimid wareejinta dakada Boossaaso kacdoonka Odoyaasha iyo siyaasiyiinta Reer Barri, iyo arrin kale oo la xiriirta in madaxda DF ay ka xannibeen Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya oo qorshu ahaa in uu u socdaal ku yimaado Boossaaso, si uu mashruuca u furo.

Balse Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Caasimada online ayaa xaqiijinaya in sababta dhabta ah ee mashruucada dakada hakisay ay tahay muran xooggan oo u dhaxeeya Madaxwaynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Shirkada DPWorld.

Murankaasi ayaa la xiriirta in Madaxwayne Gaas iyo wiil uu dhalay M/hore ee Puntland Dr Faroole, kaasi oo lagu magacaabo Khadar C/raxmaan Faroole oo ah shaqsiga Puntland wakiilka uga ah Mashaariicda Chines-ka ay ka wadaan deegaannada Puntland ay ku adkaysteen in qandaraaska dhismaha dakada la siiyo shirkad laga leeyahay Dalka China, arrintaasi ayaana waxaa gaashaanka u daruuray Shirkada DPWorld, waxayna shirkadu hoosta ka xariiqday in lasoo xayaysiinayo qandaraaska mashruuca, shirkaduhuna ugu tartamaan si furan oo xaq-soor ah.

Madaxwayne Gaas Iyo Khadar C/raxmaan Faroole ayaa wali ku adkaysanaya in aanan la xayaysiinin qandaraaska dhismaha, laguna wareejiyo shirkadaasi Chines-ka ah. Dhinaca kale go’aanka shirkada DPWorld ayaa salka ku haya tartanka caalamiga ah iyo ganacsiga aduunka ee ay isku hayaan quwadaha waawayn oo Chines-ku uu kaalinta 1aad kaga jiro.

Dad badan ayaa aaminsan sababta uu Madaxwayne C/raxmaan Faroole uga aamusanyahay kacdoonnada siyaasadeed ee ka jira gudaha Puntland ay tahay sabab la xiriirta in wiilkiisa Khadar C/raxmaan Faroole uu la shaqaysto Madaxwayne Gaas.