Aqriso tirada qarax ee bishii September ee 2017 ka dhacay Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa bishii September ee aanu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ka dhacay Qaraxyo kooban markii la eego Qaraxyadii dhacay bilihii ka danbeeyay September.

Qaraxyada dhacay bishii Seotembar ayaa u badnaa Qaraxyo miino iyo kuwo loo adeegsaday Gaari, oo siyaabo kala duwan uga dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxyada bishan ka dhacay magaalada Muqdisho ee aanu diiwaan galinay ayaa tirro ahaan ah 6 Qarax oo mid weliba uu ka dhashay khasaaro.

HOOS KA AKHRISO TIRADA QARAXYADA, GOOBAHA UU KA DHACAY IYO QAABKA UU U DHACAY

1-September, 11, 2017, Qarax loo adeegsaday Gaari nooca raaxad ah ayaa ka dhacay afafka hore ee Hoteel Wehliye, waxaana ku dhitay Seddex ruux, halka lix kalane uu soo gaaray dhaawac.

2-September 12, 2017, Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa Qarax lagula eegtay Xaafada Dalcada ee Degmada Hiliwaa waxaana ku dhintay ugu yaraan hal ruux oo dumar ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay labo kale.

3-September 20, 2017, Waxaa nawaaxiga Isgoyska Xaafadda Maana-boolyo dhinaca degmada Boondheere ee gobalka Banaadir lagu Qarxiyay mid ka mid ah Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo lagu magacaabi jiray Abuu-shiine.

4-September 24, 2017, Qarax Bambaano ayaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsanaa dowlada xili ay marayeen Xaafada Sii Sii, gaar ahaan agagaarka Hoteel Lafweyn ee Degmada Kaaraan.

5-September 25, 2017, Qarax nuuca dhulka lagu aaso ayaa waxa uu ka dhacay degmada Warta-nabadda, gaar ahaan Isgoyska Cali-kamiin ee gobolka Banaadir.

6-September 28 2017, Toddobo qof ayaa ku dhimatay qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay Degmada Xamar Weyne, gaar ahaan inta u dhaxeyso Bacadlaha Xamar Weyne iyo kaalin shidaal.

Qaraxyada bisha Septembar ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa aad uga yar Qaraxyadii horay uga dhici jiray magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com