Sawirro: Shacabka dalka KENYA oo saakay u dareeray doorashooyinka dalkaas

Dadka Kenya waxey saakay u dareereen doorashooyinka guud oo lagu dooranayo min mudanayaasha golayaasha degaannada (47 Gole Degaan), Guddoomiyeyaasha gobollada (47 Gobol), Xildhibaannada aqalka hoose (349 Xildhibaan), Senatorrada Aqalka sare (47 Senator) iyo xilka ugu sarreeya dalka ee Madaxweynaha.

Waxaa guud ahaan isu diiwaan geliyey iney codeeyaan 22 milyan 120 kun iyo 458 qof oo ka codeeynaya 46 kun iyo 232 goobo cod bixineed oo ku kala baahsan dalka oo dhan.

Doorashada baaxaddaas leh waxey billaabatay saakay lixdii subaxnimo waxaana la soo gebagebeyn doonaa lixda maqribnimo ee isla maanta oo ay xirmayaan goobaha cod bixintu.

Natiijooyinka doorashooyinka ayaa waxaa la filayaa in la heli doono wixii ka billowda lixda maqribnimo ee maanta.

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanaya ee Uhuro Kenyatta ayaa doorashooyinkaan qeyb ka aheyn maadaama uu labo mudo xileed dalka soo hoggaaminayay sharcigana u ogolaaneyn inuu dib danbe isu soo sharxo.

Ra;iisul wasaarihii hore Kenya Mr. Railla Odinga ayaa tartan adag kala kulmaya madaxweyne kuxigeenkii Kenya Willam Ruto, waxaana saadaasha u muuqataa in Odinga

 Markaad dib u fiiriso waxa dalkeenna Soomaaliya looga yaqaanno doorasho iyo muddada ay qaadato maxaa kuu baxay?.

W/Qoray: Salah Omar