Sawirro: Shariif iyo Xasan Sheekh oo hadda kulan la leh guddoonka BF iyo qorshe ka socda Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Muudey ayaa haatan xarunta Madasha Xisbiyada Qaran kulan albaabadu u xiranyihiin kula leh Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Guddoonka golaha shacabka ayaa gabal dhicii galabta gaaray xarunta Madasha si ay kulan ula qaataan madaxweynayaashii hore ee dalka, waxaana kulankaas looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey bogga Madasha ayaa lagu yiri “Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal iyo Gud. Ku xigeenka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya Cabdiwali Muudey ayaa xarunta Madasha Xisbiyada  Qaran kulan kula leh Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan Guddoomiyaha MXQ Madaxweyne Sh. Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.”

Wararka ayaa sheegaya in labada Guddoomiye ay farriin ka sidaan Madaxweyne Farmaajo, waxaana wararku intaas ku darayaan in  martiqaad kulan ay ka wadaan Madaxweyne Farmaajo.

Horay sidaan oo kale ayey guddoonka baarlamaanku isugu dayeen inay u kala dabqaadaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaashii ka horeeyay, balse waxaa fashilmay dadaalladoodii kadib markii ay madaxweynayaashii hore sheegeen in Farmaajo uu ka soo bixi waayey heshiisyo ay horay ula galeen.

Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ayaa cadaadis kala kulmaya Madasha iyo xisbiyo kale, kaas oo ku saabsan in la cadeeyo nuuca doorasho ee dalku aadayo, iyadoo Madaxweynuhu ku adkeysanayo doorashada hal qof iyo hal cod oo aan la isku raacsaneyn qaabka ay u dhaceyso shaki badana uu ka jiro.

Sidoo kale waxaa jira cadaadis Madaxweyne Farmaajo uga imaanaya beesha caalamka, waxaana xusid mudan in maanta uu baaqday shirkii uu iclaamiyey madaxweynuhu ee golaha amniga Qaranka, kaas oo lagu waday in 5-ta illaa 8-da bishan uu dhex maro madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.