Wasiir Beyle oo ka dayriyey xaaladda dhaqaale ee DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankoodii shalay akhrinta koowaad ku marsiiyey ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2020-ka. Waxaana golaha ka hor akhriyay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa su’aalo ka weydiiyay wasiirka maaliyadda ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sanadkan. Waxaana qaar ka mid ah su’aalahaasi ay ku saabsanaayeen in dowladdu shaqaale cusub qoraneyso iyo in kale.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in hoos u dhac aad u weyn uu ku yimid dhaqaallaha dalka, sidaas dartee aysan saamaxeyn inta Corona jiro in dowladdu qorato shaqaale cusub, maadaama sida uu sheegay maalinba maalinta ka dambeysa uu hoos u sii dhacayo dhaqaalaha dalka.

“Shaqaaluhu inuu dowladda u shaqeeyo horta waajib maaha, shaqa abuurku waa in dhaqaalaha sare loo qaado oo dadku shaqo helaan, waxaan ku rajo weynahay mashaariicda imaaneysa dalka inay sii hordhaan, sanadkan iyo kan soo socda mashaariic badan oo dalka dhan laga hir-gelinayo ayaa imaaneysa, mashaariicdas shaqa abuur ayey keenayaan, hadii Coronavirus naga dhamaadana dowladdu hade shaqaale ayey u baahantahay” ayuu yiri wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay in dhaqaalaha dalka un kor loo qaado, si dadku ay shaqa uga helaan dowladda ama hey’adaha kale ee madaxa banaan ee dalka.

Hoos ka Daawo Wasiir Beyle oo ka hadlaya arrintaas iyo arrimo kale