Sawirro: Shariif oo si weyn loogu soo dhoweyey Garowe

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah Musharax u taagan madaxtinimada doorashada soo socota ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Sheekh Shariif iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka magaalada Garoowe madaxweynaha Puntland, Saciid Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Wafdiga uu hor kacayo Shariif ayaa waxa kamid ah Xildhibaano ka tirsan labada Aqal, kuwaasi oo qeyb ka ah Shirweynaha Madasha aragti wadaaga Machadka Heritage, oo markii u horeysay lagu qabanayo magaalada Garoowe, waxaana looga hadlaya xaaladda dalka & doorashooyinka.

Magaalada Garoowe ayaa maalmihii u dambeeyay waxa kusii qul-qulayay madax badan oo iskugu jira dowladda federaalka, maamul goboleedyada, musharaxiinta mucaaridka iyo siyaasiyiin hore xilal muhiim ah uga soo qabtay dalka.

Shirweynahan ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah uga furmo magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana ka qeyb-galaya, ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada dalka, guddoonka labada aqal, xubno ka mid ah musharraxiinta mucaaradka iyo ururada bulshada rayidka.