Xildhibaan Goodax Barre oo farriin hanjabaad ah u diray Villa Somalia (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa si kulul uga hadlay xiisadda ka taagan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan uu galay xaalad cusub, taasoo uu ku sheegay inay Dowladda Federaalka go’aansatay in ay dadka reer Hiiraan u isticmaasho waxa uu ku sheegay farsamadii uu isticmaarka adeegsan jiray.

“Xaaladda Gobolka Hiiraan waxay gashay marxalad cusub, waxaa muuqata Dowladda Dhexe inay go’aan ku gaartay in ummadda aad loo caburiyo, inay go’aan ku gaareen in la isticmaalo farsamadii uu isticmaarka isticmaali jiray, oo ah bandow hala geliyo, cunnada halaga joojiyo, shaqada halaga joojiyo, dhaqaalaha halaga curyaamiyo. Waa waxa shalay Beledweyne ku bilowday, waa waxa shalay dadku ka mudaaharaaday, waa waxa aakhirka na dhaxalsiin doonto dhibaato intaan ka weyn, haddaan caqligu shaqeynin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay Hiiraan Online.

Dowladda Federaalka ayuu ugu baaqay in ay joojiso ciqaab wadareed uu sheegay in ay ku hayso dadka reer Hiiraan, haddii kalana aanay arrintan noqon doonin mid leeskaga haro.

“Xukuumadda Federaalka waxaa looga fadhiyaa in arrintaas ay ka waantowdo. Haddii dad ku dhinto waxaan la yiraahdo ciqaab wadareed ‘Sidee baa xuquuqdiina iyo maskaxdiina uga hadli kartaan, cunnadaa idinka joojinaa, cunaqabateenaa idinku waxaynaa’ haddii ay arrintu noqoto waxaan shaki ku jirin in arrintu aysan ku ekaan doonin Gobolka Hiiraan iyo Magaalada Beledweyne. Dad badanaa loo maxkamadayn doonnaa, dad badan ayay muddo dheer daba taagnaan doontaa waxa meeshaas ka dhacayaa” ayuu yiri Xildhibaan Goodax.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waa cunsuriyad, waa midab takoor in ummadda lagu cadaadiyo raashiinkii oo laga joojiyay, Beledweyne laga dhigo xabsi dusha ka furan, lagu xabadeeyo, dad-na ku dhinto waa waxaan leeskaga hareynin, masuuliyiinta sare ee wadanka iyagaa ka jawaabi doono. Haddii aad is leedihiin maxkamado kama jiraan wadanka gudahiisa waala hurda siiyay, waxaan hareynin ayay noqonaysaa. Wax aan harin oo mar walba lagu xisaabtamo ayay noqonaysaa. Waxaa haboon inta ay goori goor tahay inaad ka waantowdaan arrintaas.”

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Goodax ayaa ku soo aadaya, xilli Beledweyne uu ka socdo hawlgal lagu qabqabanayo dad lagu eedeeyay in ay soo abaabuleen bannaanbaxyadii toddobaadyo ka hor ka dhacay magaaladaasi, ee lagu diidanaa safar uu ku taggi lahaa Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).