Xog: Madax gobaleedyo u digay xubno ka tirsan gudiga lagu muransan yahay ee doorashada oo soo wacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xubnaha guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyin Qaranka ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxda Maamul Gobaleedyada aysan ka soo jawaabin fariimo loo diray laba jeer.

Xubnaha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in fariimaha loo diray madaxda maamulada ay aheyd in ay guda galaan shaqada iyo in ay la shaqeeyaan guddiga, hase yeeshee labada jeerba wax jawaab ah ma helin.

Guddoomiyaha guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka Maxamed Xasan Maxamed ayaa la sheegay in uu si toos ah ula xariiray madaxweynayaasha qaar ee maamul gobaleedyada balse ay toos ugu sheegeen in uusan mar dambe soo wicin.

Caasimada Online wali ma helin madaxweynayaasha guddoomiyaha ku amray in uusan mar dambe soo wicin hase yeeshee wararku waxey sheegayaan in guddiga uu dhibkaan la wadaagay Madaxda dowladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ay diidan yihiin guddigan, halka Qoor Qoor uu marba mowqif muujiyo, ayada oo aanu caddeyn mowqifka Guudlaawe, hase yeeshee waxaa guddigan si buuxda u taageersan Lafta-gareen.

Wararka aan helnay ayaa sheegayaa in guddiga culees badan uu la kulmayo islamarkaana ay socon la’yihiin jadwaladii ay soo saareen, sidoo kalane ay culeysyo kale la kulmayaan inay wax dhaqaajiyaan.

Waxaa xaaladda kasii daraya in inta badan xubnaha guddiga ay yihiin dhallinyaro daacad u ah dowladda, oo aan wax khibrad iyo saameyn siyaasadeed laheyn, islamarkaana xiriiro aan ku laheyn maamullada.