Qarax mar kale maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa barqnimadii maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka garoonka Cabdullahi Yuusuf oo ku yaalla gudaha magaaladaasi.

Ugu yaraan hal qof oo ahaa darawal gaari nooca iska roge ah ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyada oo uu ku dhaawacmay qof kale oo rayid ah, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkasi.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii qarax is-miidaamin ahaa uu ka dhacay gudaha Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Galmudug, kaas oo lagu dilay saraakiil iyo dad kale oo shacab ah.