Sawirro: Wasiir Beyle oo QM kala hadlay arrin la xiriirta doorashooyinka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa faah faahin ka bixiyey shir uu aaladda fogaan aragga kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay, kaasi oo ay kaga wada hadleen dardar-gelinta hannaanka doorashooyinka ee dalka ee 2020 illaa 2021-ka.

Beyle ayaa si gaar ah Qaramada Midoobay kala hadlay qarashaadka ku baxaya doorashada dalka oo  intooda ugu badan ay bixineyso beesha caalamka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in laga wada shaqeeyo howlaha hagu Horumarinayo hannaanka dowladnimada.

“Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan Qarashaadka ku baxaya Doorashooyinka Qaranka la yeelanay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, iyadoo ay shirka igu wehlinayeen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dalka, waxaa naga go’an in aan si wadajir ah uga wada shaqeyno howlaha lagu Horumarinayo hannaanka Dowladnimada,”ayuu yiri wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa horey shaaciyy in qiyaas ahaan doorashada dalka ay ku bixeyso lacag dhan $40 Milyan oo 10%, una dhiganta 4 milyan laga rabo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halka inta kalena ay bixineyso beesha caalamka.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso doorasho isugu jirto tan baarlamaanka & madaweynaha, taas oo ay weli isku fahmi la’yihiin dowladda iyo mucaaradka dalka.