Guddoomiye Sanyare oo sheegay inuu ka towbad keenay gefkii ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ka jawaabay fal-celintii ka dhalatay hadal dhawaan ka soo yeeray oo ahaa in ‘amni darro darteed uusan ku dukan masaajidda Aadaankooduna uu dhibayo’ isagoo aad u dhaleeceeyey culumada ku nool magaalada Gaalkacyo.

Qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed ayaa ka fal-celiyey hadalka guddoomiyaha, waxaana ka mid ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo sheegay inuu ka naxay hadalka guddoomiye Sanyare, isagoo tilmaamay inuu meel ka dhac ku yahay diinta Islaamka.

Guddoomiye Cabdiladiif Muuse oo wareysi siiyay BBC ayaa cudur daar ka bixiyey hadalkaas, balse waxa uu sheegay inuu dhibsaday qaabka loogu soo gudbiyey khaladkiisa.

“Qofka muslimka ah hadii lagu dhaho, ‘khalad baad gashaye toobad keen’ wax dhibaato ah kuma ahan, waxay u tahay ammaan, towbaduna waa qeyb ka mid ah ammaanta dadka muslimiinta ah iyo in Alle loo noqdo, cid kasta oo kuu sheegta inaad Alle u towban celisana waa laga aqbalaa, salaadaba markii aad ka baxdo waxaa lagu billaabaa astaqfirullah,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiladiif Muuse.

“Wixii khalad ah oo aniga iga dhacay, oo ku khaldamidda diinta ah ama carrabka wax iga raacay waxaan uga towbad keenayaa Alle sababtoo ah nin muslim ah baan ahay” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Sheekh Umal uu aad u qadariyo, balse ay aheyd inuu gaar ugu sheego inuu qaldamay isagoo aan warbaahinta u marin, sidoo kalena uu ka aqbalay soo jeedintoodii isaga iyo culumada kale ee ka fal-celisay hadalkiisii.

“Sheekha waa nin culimo ah, ixtiraam baana u hayaa, nasteexaduna waxay ku jirtaa in qofku isagoo aan sharaftiisa wax loo dhimin jirkiisana la danqin wax loo sheego, si uu warkaaga kaaga qaato. Waxaa igu filneyd inuu igu dhaho khalad baa kaa dhacay ee ka laabo, waana aqbalay isaga iyo culimada kalena waan ka maqlay waana cudur daartay” Ayuu yiri Guddoomiye Sanyare.

Guddoomiyaha oo 21-kii bishan December ka hadlayey xaflad lagu caleema saarayey guddoomiyaha koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa yiri “In aanan masaajidka ku tukanin waa sababta dad badan aysan u aadin oo ah in masaajidka laga baqayo oo aan la gali karin amni darro awgeed.”

Dad badan ayaa dhibsaday hadalka guddoomiyaha, gaar ahaan qaabka uu uga hadlay arrinta masaajidda, waxaana maalmihii lasoo dhaafay si weyn loogu hadal-hayey baraha bulshada.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ahaa culumadii ka fal-celisay hadalka guddoomiye Sanyare ayaa yiri,“Hadalka noocaas ah iyo dhiiranaanta noocaas iyo indha-adeyga noocaas ah oo ruux Muslim ah oo Alle iyo aakhiro rumeysan uu ku hadlaayo oo haddana baraha bulshada lasoo galiyay oo dadku wada dhageysanayaan waa arrin runtii naxdin leh.”