Sawirro: Geelle iyo Axmed Madoobe oo kulmay

Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasiga Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta ayaa gudaha magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland kulan gaar ah kula qaatay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Musharrax Daahir Maxamuud iyo madaweyne Axmed Madoobe oo Garoowe u tegay ka qeyb-galka madasha aragti wadaaga e Machadka Heritage ayaa waxa ay ka wada hadleen xaalada dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo marxaladda kala guurka ah.

Sidoo kal labada mas’uul ayaa kulankooda si gaar ah diirada ugu saaray sidii looga gudbi lahaa caqabadda ka taagan doorashada, gaar ahaan guddiyada doorashooyinka dalka.

Geelle oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha Jubbaland doorka uu ku leeyahay dowladnimada dalka iyo arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka.

Garoowe ayaa waxaa maanta ka furmaya shirweyne u dhexeeya qaar ka mid ah madaxda dowlad gboleedyada dalka, dowladda dhexe iyo mucaaradka, kaas oo looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan sida looga gudbi karo marxaladda adag ee lagu jiro.

Si kastaba dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa haatan isku haya doorashooyinka, waxaana weli dalka ka jira khilaaf ku aadan sida loo wajahayo doorashada.