P/Land oo joojisay doorasho lagu qaban lahaa Galkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa amar ku bixiyey in lajoojiyo doorasho lagu qaban lahaa gudaha magaalada Gaalkacyo, kadib muran xoogan oo hareeyey doorashadaasi.

Sanyare ayaa faray guddoomiye ku xigeenka Gaalkacyo inuu joojiyo doorashadaas oo ka dhici laheyd deegaanka Wadajir oo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.

Warqad ka soo baxday xafiiska Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa waxaa lagu sheegay in deegaankaasi uu yahay mid isataraatiiji ah, islamarkaana loo baahan yahay in marka maamul loo sameynayo loo maro waddo sax ah, si looga baaqsado xasiloono darro.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay maamulka Gaalkacyo inuu wada-tashi geliyo doorashadaasi, si xal looga gaaro muranka ka dhashay.

Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday shacabka in laga wada-shaqeeyo xasiloonida gobolka iyo sidoo kale nabad-gelyada guud ee deegaanka.