Madaxda rugta ganacsiga oo ku gacan seeray, sharci darrana ku tilmaamay go’aankii DF + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Rugta Ganacsiga iyo warshada Soomaaliyeed ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabadii ay maanta ku kala dirtay wasaaradda ganacsiga Soomaaliya, kadib kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen.

Wasaaradda garacsiga Soomaaliya ayaa maanta kala dirtay maamulkii rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed, waxayna si ku meel gaar ah loo magacaabay xubno kala metelaya shirkadaha waaweyn ee dalka.

“Shantii sano mar ayaa la doortaa hoggaanka sare ee maamulka rugta ganacsiga, waxaana doorta ganacsato, wasaaraduna goobjoog ayey ka noqotaa, wasiirku waa uu ku deg degay warqadda ka soo baxday xafiiskiisa,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenja rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Cabdullahi Aadan.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed Cabdi Abshir Dhoore ayaa sheegay in wax lala yaabo uu yahay warka ka soo yeeray wasaaradda ganacsiga.

“Waa nasiib darro in sanad kasta aan ka jawaabno warqad uu soo saaray wasiir aan seddax bilood shaqeyneyn, waa culeys cusub oo sharci ah…waxaan ka codsaneysaneynaa xafiiska ra’iisul wasaaraha in arrinkaas si dhab ah loo baaro oo la raadiyo waxa wasiirka ku sababay tallaabadaas, waa markii seddaxaad oo rugta ganacsiga sidaan oo kale loola dhaqmay,” ayuu yiri Cabdi Abshir Dhoore.

Wareegtadii lagu kala diray xubnahan ee maanta ka soo baxday xafiiska wasiirka ganacsiga ayaa Cabdullahi Nuur Cusmaan oo ka tirsan Hormuud loogu magacaabay guddoomiyaha rubga, halka Cabdiweli Maxamuud Warasme iyo Cali Xasan oo ka kala socda Somtel iyo Almoha General Trading sida ay u kala horeeyaan laga dhigay guddoomiye ku xigeenno.

Maamulkan oo ah mid ku meel gaar ah ayaa loo qabtay inay muddo 60 cisho ku qabtaan doorasho.

Hoos ka Daawo