Qarax dad badan lagu laayey oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in duleedka magaalada Kismaayo qarax miino lagula eegtay gaari ay la socdeen dad safar ahaa oo ka baxay magaalada.

Dadkaas oo gaarayey todoba qof ayaa la socday hal gaari, waxaana la sheegay in dhamaantood ay ku geeriyoodeen qaraxaas.

Gaariga ay la socdeen dadkaas ee qaraxu haleelay waxaa la sheegay inuu ka baxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isla markaana uu ku sii jeeday magaalada Dhoobley ee isla gobolkaas.

Qaraxaas oo sida la sheegay noociisu ahaa miino wadada la geliyey ayaa si gaar ah uga dhacay inta u dhaxaysa tuulo lagu magacaabo Taabto iyo magaalada Dhoobley oo gaarigaasi uu u socday.

Dhamaan dadkii la socday gaarigaas ayaa geeriyooday, waxaana ku jiray ilmo yar oo lix bilood jir ah, sida ay Caasimada Online u sheegeen ehellada dadka lagu laayey qaraxaas.

Maydadka dadkaas ayaa caawa la geeyey degmada Dhoobley oo markii hore ay u socdeen, waxaana la sheegay in halkaas lagu aasi doono.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, welina kama hadlin mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland.