Daawo: Nin lagu eedeeyey kufsigii iyo gowracii Ubax Maxamed Yaxye oo la qabtay

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Taliyaha saldhiga booliska degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud Dhamme Farxaan Xuseen Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baaritaano dheer kadib ay soo qabteen ninkii gabadha xaamilada ah ku kufsaday duleedka Caabudwaaq kadibna gowracay.

Taliyaha ayaa sheegay in halka uu falkaasi ka dhacay ay ka raaceen raadka ninka dilay gabadha, kadibna ay uga daba tageen gurigiisa.

“Kabihii uu watay ayuu tuuray, raadkiisa ayuu iska daba wareejiyey, kadibna guriga hooyadiisa ayuu galay, markaan raadkiisa ka raacnay meeshii uu gabadha ku kufsaday, guriga hooyadiis ayuu galay, ugu dambeyna waan ku guuleysanay inaan soo qabano,” ayuu yiri Taliyaha saldhigga booliska degmada Caabudwaaq Dhamme Farxaan Xuseen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in baadi goobka ninkaas ay qeyb ka qaateen ehelladiisa, haatana cadaaladda la hor geyn doono.

Meydka Ubax Maxamed Yaxye oo lahayd uurka ilmo saddex bilood ah ayaa laga helay duleedka degmada Caabudwaaq iyadoo gowracan, waxayna ehelladeedu sheegeen in dilka ka hor la kufsaday.

Sanadihii dambe dalkeena waxaa ku soo badatay ficillada ah in la kufsado haweenka kadibna la dilo, waxayna falalkii u dambeeyey ka dheceen magaalooyinka Caabduqwaaq, Gaalkacyo, Burco, Boosaaso, Garowe, Beled-Xaawo, Luuq, Muqdisho iyo magaalooyin kale.

Hoos ka Daawo Taliyaha iyo ehellada gabadha