Axmed Macallin FIQI oo digniin culus diray (Aqriso)

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug, xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay dadka aada deegaanada ay gacanta ku hayaan dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo badanka u doonta garsoor.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in cid kasta oo u safarta degaanada ay maamulaan Al-Shabaab ee la hadasha aysan marnaba kusoo noqon doonin degaanada Galmudug, isaga oo ku hanjabay in wasaaradiisu tallaabo adag ka qaadi doonto.

Waxa kale oo uu amar ku bixiyey in muddo todobaad ah isku soo diiwaan-geliyaan Xarunta Nabadsugida magaalada Gaalkacyo dadka aaday degaannada ay maamulaan Al-Shabaab ee la soo kulmay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la maxkamadeyn doono dadka ka madax adeyga amarada wasaarada, isagoona faray laamaha amniga Galmudug inay xiraan dadka aaday goobaha ay joogaan Al-Shabaab ee u hogaansami waaya awaamiirtan.

Wasiir Fiqi ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in la mamnuucay in hubka sharci darro ah lagu dhex wato magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ka digay in askari bilaa direys ah uusan qori ku dhex qaadan karin magaalada.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu dhawaan qarax xoogan ka dhacay magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay soo badanayaan dadka garsoorka u doonta deegaanada Shabaabka, kuwaasi oo inta badan ku andacooda in garsoorka dalka uusan u shaqeyn sidii la rabay.