DF oo go’aan xasaasi ah ka gaartay sida ay Guudlaawe ku gayneyso Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad bandow uu saaran yahay xaafadaha qaar ee magaalada Beladweyne kadib marki lagu daadiyay ciidan Soomaali iyo Amisom ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imanaya Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu mar kale isku dhac dhaxmaray ciidanka Janaraal Xuud iyo ciidan ka tirsan Milateriga Soomaaliya inkastoo uusan jirin khasaare ka dhashay.

Guri kasta oo ku yaalla xaafad ka mid ah Beladweyne waxaa la sheegayaa in la dhigay ciidan Itoobiyaan, Jabuutiyaan iyo kuwa Soomaali ah, waxaana ka sii daraya xaaladda kacsan ee magaalada.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in awood ciidan ku geyso gobalka Hiiraan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseeen Cali Guudlaawe, kadib markii ay ka quusatay waan waantii.

Magaalada ayaa ku jirta xaalad colaadeed waxeyna qarka u saarantahay inuu ka dhaco dagaal Sokeeye iyadoo ay isa soo tarayaan qeyla dhaanta waxgaradka.

Cali Guudlaawe oo la doortay bishii November ayaan weli la caleemo saarin, sababtuna waxay tahay dowladda federaalka oo dooneysa in lagu caleemo saaro Beledweyne, hase yeeshee waxaa taas kasoo horjeedda beesha Xawaadle oo ka mid ah beelaha degan magaalada.