26.2 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Dowladda UK ‘oo ka qeyb-qaadaneysa’ mashruuc cusub oo laga billaabay Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Benaadir, Cumar Maxamuud  Maxamed (Filish) oo sidoo kale ah duqa caasimada, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka ayaa looga hadlay horumarka iyo mashaariicda caasimada, iyada oo si gaar ah labada mas’uul isku dul taagay mashruuca xal u helida khilaafaadka xasilinta iyo nabadeynta.

Amb. Ben Fender ayaa si rasmi ugu dhawaaqay intii uu kulanku socday inay taageero balaadhan ka geysanayaan mashruuca nabadeynta bulshada caasimada, taasi oo uu wado gobolka Benaadir.

Labada mas’uul ayaa isku raacay inay si wada-jir ah uga wada shaqeeyan fulinta mashruucan, kaasi oo looga dan leeyahay inuu nabad waarta ka abuuro caasimada iyo guud ahaanba gobolka.

“Waxaan maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda ingiriiska  u qaalbilsan Soomaaliya Ben Fender waxaan kawada hadalnay hormarinta caasimadda Muqdisho iyo xal u helidda xasilinta unuga nabadenta Magaalada Muqdisho,” ayuu yiri guddoomiye Filish oo qoraal kooban kasoo saaray kulanka.

- Advertisement -

Read more

Local News