Wafdi ka socda DF oo ka degay Garoowe iyo ujeedka

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mahadi Maxamed Guuleed Khadar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Mahdi iyo Wafdigiisa ayaa waxa goordhoweyd si balaadhan caasimada Puntland ee Garoowe ugu soo dhaweeyay madaxweynaha maamulkaas, Saciid Deni iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada ee gole ee dowlad goboleedka Puntland.

Wafdigan ayaa waxa uu qeyb ka noqonaya wafuud kala duwan oo hore ugu sugnaa magaalada Garoowe, kuwaasi oo ka qeyb-galaya Madasha aragti wadaaga ee Machadka Heritage oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka, dhameystirka Dastuurka iyo qodobo kale.

Machadka Heritage ayaa madashan markii ugu horeysay ku qabanaya Garoowe, iyada oo hore loogu qaban jiray dalka Jabuuti, waxaana ka qeyb-galaya Madax isugu jirta Muxaafad iyo Mucaarad.

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Garoowe madax kale oo lagu casuumay madashaasi, iyada oo amniga magaalada si weyn loo sii adkeeyay.

Garoowe ayaa xiligan marti-gelinaysa wafuud badan oo iskugu jira Mucaarid iyo Muxaafid, kuwaasi oo ka wada qeyb-galaya madasha uu soo agaasimay machadka Heritage.