Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Gedo (Faah-faahin)

Ceelwaaq (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya oo ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar culus kusoo qaaday saldhig ay ciidamada Kenya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin degmada Ceelwaaq oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland.

Dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac ayaa si weyn looga maqlayey qeybo ka mid ah magaalada iyo tuulooyinka ku dhow, sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen.

Illaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin karo  khasaaraha ka dhashay dagaalkaas maadaama inta badan Saldhigyada Ciidamada aan loo dhawaan Karin.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Kenya intii uu dagaalka socday ay rideen tiro hoobiyeyaal ah, kuwaas oo ku dhacay duleedka degmada Ceelwaq, inkasta  oo aysan geysan wax khasaaro ah.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolka Gedo kama hadlin dagaalka ka dhacay degmada Ceelwaaq, waxaana lagu soo waramayaa in Maanta Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waxaad kaga bogan doontaan wararkeena soo socdo Inshaa Allah.