Sawirro: Shariif Xasan oo Kheyre ku dhex sooray Jaamacad loogu magacdaray

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Soo dhaweynta Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa ka qeybqaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.

Booqashada Kheyre ayaa salka ku heysa u kuurgalka xaaladaha guud ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo xogwareysiga bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo oo kulan gaar ah uu la yeelan doono.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la kulmaya madaxda Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee kusugan deegaanadaasi.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa booqday Jaamacadda Khayre ee degmada Baydhabo, waxaana halkaasi uu kula hadlay ardeyda Jaamacadda dhigata oo ku dhiirigeliyey iney sii wataan waxbarashadooda.

Inta uu joogo magaalada Baydhabo, Ra’iisul Wasaare Khayre waxa uu la kulmi doonaa golayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.