Sawirro: Shiinaha oo mowqif adag ka istaagay damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao.

Danjiraha Shiinaha ayaa madaxweynaha la wadaagay taageerada dowladda Shiinaha ee madax-banaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay taageerada Shiinaha, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda caalamiga ah.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda Shiinaha ay dowladda Soomaaliya u muujisay garab istaag ku aadan xadgudubka dowladda Itoobiya.

Dowladda Shiinaha ayaa xurguf adagi kala dhaxeysaa Somaliland, maadaama ay is aqoonsadeen maamulka kale ee ka go’ay Shiinaha ee Taiwan, sidoo kale Shiinuhu waa mid kamid ah saaxiibada dhow ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa olole adag oo caalami ah u gashay xadgudubka ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya, waxaana suurta gashay in dalalka ugu waaweyn caalamka ay taageeraan qadiyadda midnimada Soomaaliya.

Somaliland waxay dunidu ka soo qaaday maamul aan geli karin heshiis caalami ah, waxaana sidaas ku guuleysatay dooda dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna arrintaan dhabarjab caalami ah ku noqotay Itoobiya.

Wadamadii ay Soomaaliya la wadaagtay qadiyadaan ayaa Itoobiya uga digay inay ka joogto doonisteeda guracan, sidoo kale shacabka Soomaaliyeed si ay u muujiyaan shucuurtooda diidmada damaca Itoobiya, waxaa dalka ka socda banaanbaxyo culus.