Sawirro: Shir ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir hawleed ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga & Warshadaha Soomaiyeed ayaa ku qabsoomay Hotel Jazeera maanta oo ah 9, January 2024.

Waxaa shirka ka soo qaybgalay dhammaan sector-da, iyo Khubaro ka socota Guddiga Qaran ee Dhaqaalaha ( NEC).

Ujeeddada shirkan muhiimka ah waxay ahayd kor u qaadidda fahamka ku saabsan ku biiritaanka Somalia ee urur goboleedka bariga Afrika EAC, sidoo kale fursadaha iyo caqbadaha ku xeeran ku biirista EAC.

Sidoo kale waxaa xussid mudan in si Rasmi ah Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliyeed ay ugu biirtay xubinna uga noqotay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Bariga Afrika. Shirka ka dhacay Zanzibar.

Waxaa shirka lagaga hadlay dayn cafinta, iyo fursadaha ku xeeran Marka laga fiiriyo maalgashiga iyo Ganacsiga.

Qodobada muhiimka ah ee  laga hadlay waxaa ka mid ah “ Domestic revenue mobilization “ Dakhli kordhinta dalka. Dakhli ururintu waxay muhimmad gaar ah u leedahay in ay dowladdu shaqayso. Haseyeeshee waxaa dhanka kala u baahan turxaan bixin habka ugu haboon ee loo ururin karo dakhligaas maadaama dadkeenu ay u badanyihiin dad sabool ah oo aanan xambaari karin sare u kaca ku iman qiimayaasha badeecadaha iyo adeegyada canshuurto ku kordhayso.

Hadaba si arrinta canshuuraha loo hagaajiyo ayaa waxaa la isla gartay in arinta dakhli kordhinta daraasad dheeraad ah laga sameeyo loona xil saaro khubaro aqoon u leh

Waxaan  ku amaanaynnaa ganacstada Soomaliyeed  adkaysiga ay ku soo shaqeeyeen, iyo adeegyada kala duwan ee ay Umadda u hayaan.