Sawirro: Shir u dhexeeya DF iyo beesha caalamka oo maanta ka furmay Afisoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa maanta ka furmay shir heerkiisu sarreeyo oo u dhexeeyo dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, kaas oo looga arrinsayo abaaraha.

Shirka ayaa waxaa daah-furay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac, waxaana ka qayb-galaya ergeyga QM ee Somalia, madax ka socota hay’adaha caalamiga ah iyo sidoo kale dhammaan dalalka deeq-bixiyeyaasha ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa gurmadka abaaraha iyo sidii loo caawin lahaa dadka ay saameeyeen abaaraha haatan ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa marka hore ka qayb-galayaasha warbixin ka siiyey xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka ka codsaday inay ka qayb qaataan gurmadka.

Sidoo kale Saalax Axmed Jaamac ayaa shaaca ka qaaday inay deegaannada qaar ay ka jirto xaalad adag oo ka dhalatay go’doonka ay galisay kooxda Al-Shabaab

“Al-Shabaab waxay dadka tuulooyinka ku nool ay kusoo rogeen talaabooyin bahdil ah kuwaasoo ku qasbay in ay u soo barakacaan magaalooyinka,” ayuu yiri Jaamac.

Dhankiisa wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in xaaladda abaarta ay sii jiri doonto bilaha soo socda, sida ay saadaasha muujineyso, wuxuuna ku baaqay in si wadajir ah loogu istaago wax ka qabashadeeda.

“Saadaasha hadda waxay muujineysaa abaarta ay sii socon doonto bilooyinka soo aadan; kaalmada caalamka ee hadda aan haysanana kuma fidna tirada dadka Soomaaliyeed ay saameynyta gaartey” ayuu khudbaddiisa ku yiri ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado daran oo is biirsaday, sida amniga, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab iyo abaaraha, iyada oo laga digayo macluul ka dhacda dalka.