Tirada deegaanada ee Al-Shabaab laga qabsaday 24-kii saac ee lasoo dhaafay

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno dagaallada ka socda gobollada dalka ayaa sheegaya in howl-galadii ugu dambeeyay ay ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen gacan ku heynta tuulooyin badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan, Bay iyo Galguduud.

Hiiraan: Deegaanada cusub ee Al-Shabaab lagala wareegay ayaa waxaa kamid ah Moqokori iyo Tardo, Moora-Eri, Gumarre iyo Qooxle oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Galguduud waxaa kooxda laga qabsaday deegaano ay ka mid yihiin Maygaag-dhuub, Dhisaqo, Dhuumoodle, Aboorey Cali-weyd iyo Dacawa-xun.

Gobolka Bay waxaa saacadihii u dambeeyey Al-Shabaab laga xoreeyey deegaano ay ka mid yihiin, Baayale, Caliyow-dooyow, Xaawa-Dhaaysile, Boorame, Karanoy iyo Daawuudow.

Sidoo kale Saraakiisha dowladda ayaa waxay sheegeen in Al-Shabaab laga qabsaday deegaanka Laba-dulle.

“Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoreynta deegaanada bariga gobolka Galgaduud ayaa galinkii dambe ee shalay si nabdoon kula wareegay deegaanka Labi-dulle oo in ka yar 16km ujira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay ciidanka xoogga dalka.

Howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya ayaa looga xoreeyay deegaano tobannaan ah tan iyo markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iclaamiyay dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al-Shabaab horraantii bishan.

“Dadka Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in Al-Shabaab laga adkaan karo” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri khudbaddii uu Khamiistii ka jeediya shirka 77-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay.