Sawirro: Shir u dhexeeya DF iyo dowlad goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay shirweyne muhiim ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Shirkan ayaa ah mid qaran oo looga hadlayo xiriirinta dowladaha hoose, kaas oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Waxaa kulanka goobjoog ah wasiirada arrimaha gudaha maamul goboleedyada ka jira dalka, howlwadeenadooda iyo xubno ka socda maamulka gobolka Banaadir.

Intiisa badan waxaa shirkan lagu gorfeynayaa arrimaha dowladaha hoose iyo sidoo kale wada shaqeynta u dhexeysa wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo furitaanka khudbad ka jeediyey ayaa u mahad-naqay ka qayb-galayaashan, isaga oo rajeeyey in qodobo miradhal ah ay kasoo bixi doonaan shirka.

“Waxaan soo dhoweynaa kasoo qeybgalka kulanka ee dhammaan wasaaradaha arrimaha gudaha ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, waxaa kale oo bogaadin mudan wada shaqeynta Soomaalininada, walalalitinnimo, waxaan rajeynayaa kulanka uu noo noqda mid laga doodo, oo qorshe wadajir ah loola tago saxiibada caawiya Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Axmed Macali Fiqi.

Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Mudane Cabdi Daahir Guure (Karoore) oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyey arrimaha dowladaha hoose ee maamulkiisa, wuxuuna sheegay inay ku guuleysteen dhismaha golaha deegaanka Warsheekh, kuwa kalena way wadaan.

“Ka Hirshabelle ahaan Warsheekh ayaa u dhisan gole deegaan, Afar degmo oo kale ayaa hadda gebogabo ah oo la dhisi doonaa, oo Jowhar iyo Buulaburde ay ku jiraan, waana ka mahadcelineynaa wada shaqeynta wasaaradda arrimaha gudaha,” ayuu yiri wasiir Karoore.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) oo isna khudbad ka jeediyey shirka ayaa sheegay inay muhiim tahay in muddada uu socdo wadahadalka lasoo bandhigo caqabadaha jira, si xal looga gaaro, wuxuuna u mahadceliyey wasaaradda.

“Shirkan waa wixii caqabado ah inaan soo gudbino, wixii hortabin lehna aan isla soo qaadno, waana ka madacelinayaa sida wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka ah ay noola shaqeyso,”ayuu isna khudbaddiisa ku yiri wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug.

Dowladda federaalka ayaa maalmihii dambe xoojisay wada tashiyada ay la sameyneyso maamul goboleedyada, xilli dalka uu ku jiro marxalad adag, sida abaaro iyo dagaallo ka dhan ah Shabaab.