Sawirro: Shirar ka dhan ah Axmed Madoobe oo Muqdisho ka bilowday iyo siyaasiyiin caan ah oo ku lug leh

Muqdisho (Caasimada Online)- Shirar siyaasadeed ujeedadiisa tahay isbadal ka dhaca deegaanada maamulka Jubbaland ayaa Muqdisho ka bilowday, waxaana shirarkaasi hormuud u ah siyaasiyiin uu ka mid yahay C/laahi Ciilmooge oo xukuumadii hore wasiir kasoo noqday.

Kulankii ay kasoo qeybgaleen siyaasiyiin, waxgarad iyo xildhibaano laga soo masaafuriyay Kismayo isla markaana xasaanadii laga qaaday ayaa ka qeybgalay, iyagoo sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku fashilmay mas’uuliyadii loo igmaday, loona baahan yahay isbadal ka dhaca Jubbooyinka.

C/llaahi Ciilmooge oo ah guddoomiyaha xisbiga is bedel doonka Soomaaliyeed ee XIIS oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyin badan oo jira iyo mas’uuliyad daro maamulka Axmed Madoobe ka imaanaysa darteed loo baahan yahay in wax laga qabto, taasoo ku imaan karto buu yiri isbadal ka dhaca gobolada Jubbooyinka.

Ciilmooge ayaa sheegay in madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, mudadii uu xilka haayay wax muuqda oo uu qabtay aysan jirin, loona baahan yahay isbadal ka dhaca deegaanada Jubbooyinka.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa mudooyinkii u danbeeyay xiisad siyaasadeed uu ku furnaa, iyadoo la og-yahay in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jubba laga soo masaafuriyay Kismayo, kuwo kalena xasaanada laga qaaday, kadib markii ay isku dayeen in ay mooshin ka gudbiyaan xukuumadda Axmed Madoobe.