Sawirro: Shirkad Turkiga laga leeyahay oo lix wado ka dhisaysa Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga ayaa bilowday dhismaha lix wado oo gudaha magaalada Garoowe dhex mara, kuwaasi oo shan ka mid ah noqon doonaan Jaay, halka wadada lixaad la saari doona Laami.

Mashruucaan ayaa hirgelintiisa leedahay shirkadda TTN ee dhistay garoonka diyaaraddaha Garoowe ayaa dhanka kale, waxaa si iskaa wax u qabso ah ka taageeri doona shirkaddaha iyo ganacsatada Garoowe, haddiiba ay kaalmo ka helaan.

Shirkadda TTN, ayaa dowladda hoose ee Garoowe ka caawin doonta dhismaha waddooyinkaas iyagoo lagu kabi doono tabarucaad laga soo aruurin doono Ganacsatada degmada sida lagu sheegay munaasabad lagu qabtay xarunta Jaamacadda Bariga Africa.

Maayarka degmada Garoowe, Axmed Ayax ayaa sheegay in waddooyinkan uu ku bixi lahaa kharash aad u badan, balse shirkaddu u balan qaaday inay caawin doonto islamarkaana degmadu bixiso tasiilaad yar yar oo shaqadaas lagu qabanayo.

Inkastoo aan dherarka waddooyinkaas la sheegin, hadana waxaa maamulku tilmaamay in lacag gaaraysa $168.800 ay ku bixi doonto dhismaha waddooyinkaas oo mid kamid ah la saari doono Laami.

Duqa degmada ayaa guddi u saaray soo aruurinta lacag tabarucaad ah oo lagu kabi doono shaqada ay qabanayso shirkadaas, waxaana lacago la qoondeeyay lagu qoray dhammaan shirkadaha iyo meheradaha ganacsi ee ku yaalla degmada Garoowe.

Maayarka cusub ayaa shaqadii dowladda hoose derdergalin ku sameeyay, xilli uu haysto 45 cisho oo ah mudada loogu talo galay in lagu soo xulo golaha deegaanka caasimadda Garoowe .