Madaxweyne u gud abaalkii uu aabahaa u galay C/llaahi Ciise ee ay isku seegeen saaxiibkiis Muuse Boqor (Qiso cajiib ah)

By Asad Cabdullahi Mataan

Soomaali caaqil ahaa ayaa laga hayaa in uu ku maah maahay “Ninkii tiin beeray iyo Kii Timir beeray,  labaduna taariikhdu wey xusi”. Taas waxa ay caddeyn u tahay in taariikhdu duugoobin.

Sanad walba, Waxaan sugnaa, saqdii dhexe, madax, iyo shacabba marka ay goor sheegtadu is dul daagto 12-ka habeenimmo, taariikhduna isu bedesho 1-ka Luulyo, in aan xusno maalintii gobonimada oo aynu iska ridnay heeryadii guumeysiga.

Dabaaldagga habeenkan kuma iimaan si sahal ah, dhiig, maal, maskax iyo muruq ayaa loo huray. Eebe Janaddii Firdowsa haka waraabiyo awooweyaasheennii wax walba u soo huray in aan maanta ka harsanno gobonimmo qaarkood aysan calfan.

Cabdullaahi Ciise Maxamuud (AUN) waxa uu ka mid ahaa halyeyaddaas ku sharfan sooyaalka Soomaalida, waan ka cududur daaranayaa oo halkan kuma soo koobi karo taariikhda qaniga ah ee uu dalkan ku leeyahay kagana galay baalka dahabka ah, balse, waxaan soo qaadan doonaa dhacdo yar oo taariikhdiisa ka noqoneysa sida irbad bad lagu riday.

Ujeedka aan ka leeyahay xusidda taariikhdan waxa weeye in aan xusuusiyo Madaxweyna Qaranka Mamxamed Cabdullaahi Farmaajo Eedeb ha xifdiyee abaal uu Halyey Cabdullaahi Ciise Maxamuud u galay Aabihii , Cabdullaahi Maxamed Farmaajo in tii lagu guda jiray dowladdii daakhiliga ahayd ee uu Cabdullaahi Ciise ka ahaa Raisul Wasaaraha.

Marka hore muxuu ahaa xilligaas Cabdullaahi Maxamed Farmaajo?

Eebe ha’unaxariistee, Cabdullaahi Farmaajo (Aabaha Madaxweyneheenna Qaranka) waxa uu ka mid ahaa dhallinyaraddii taageerada hiil iyo hooba la garab taagnaa Xisbigii Leegada (SYL) ee gobonimo doonka ahaa, Cabdullaahi Ciise-na tiirarka ugu waa weyn uga jiray kuna noolaa magaalada Kismaayo.

Maxaa dhacay?

Markii uu Talyaaniga dib u qabsaday dhulkii Soomaalida, waxa uu xilal ka wada safay dadkii isaga taabacsanaa ee loo yaqaanay (Pro Italians).

Dadkaas waxaa ka mid ahaa Muse Samatar oo laga dhigay agaasimaha xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo.

Muuse Samatar waxa uu xabsiga dhigay Cabdullaahi Farmaajo iyo dhallinyaro kale oo dhammaan taageero u ahaa SYL.

Cabdullaahi Ciise oo ahaa xilligaas Raisul Wasaaraha dowladda daakhiliga ah  ayaa loo sheegay in dhallinyaro Soomaaliyeed lagu xidhay xabsiga Kismaayo laguna jidh dilo.

Cabdullaahi Ciise waxa uu ku amray Muuse Boqor oo ahaa wasiirkiisa Arimaha Gudaha xilligaas in uu shaqada ka eryo Muuse Samatar.

Xilligaas waxaa jiray afar wasaaradood oo qura, taas oo ka dhigneyd in Xabsiyada ay hoos imaan jireen Wasaaradda Gudaha.

Muuse Boqor wuu diiday in uu shaqada ka eryo Muuse Samatar oo ahaa agaasimaha xabsiga Kismaayo isaga oo u sheegay Cabdullaahi Ciise in uusan sidaas yeeli doonin maadama ay Pro Talyan badan xilal hayaan oo ay tahay in la wada eryo ama la wada daayo.

Maxaa xigay?

Halkaas waxaa isku seegay Cabdullaahi Ciise iyo Muuse Boqor. Cabdullaahi Ciise waxa uu ka dalbaday Musue Boqor in uu istiqaalo, haddii uu diidana uu isagu is casili doono.

Waxaa fariistay golihii dhexe ee Xisbiga Leegada oo soo faragaliyey arinta. Waxa ay ka dalbadeen Muuse Boqor in uu isaga istiqaalo maadaama dowladda daraadiis loo dumin karin oo uu ka fudud yaay Cabdullaahi Ciise.

Waxa jirta lama sheeko oo kala duwan kuna saabsan sida ay u dhacday is casilaadda Muuse Boqor.

Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib, barahayga Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya oo aan soo xigtay ayaa ii sheegay in uu isagana soo xigtay Raisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Yusuf waxa uuna labada sheeko igu kala dhigay.

1…. Golihii dhexe ee Xisbiga markii ay istiqaaladda ka dalbadeen Muuse Boqor, wuu keenay oo halkaas ayey sheeko ku dhammaatay.

2…. In Golihii Dhexe ee Xisbiga ay ku yiraahdeen Muuse Boqor keen istiqaaladda laakiin lagaama aqbali doono, taasna uu golaha ka ka aqbalay Cabdullaahi Ciise, balse markii uu Muuse Boqor warqaddii u kenay Cabdullaahi Ciise uu ka qaaay sidaasna ku tagay Muuse Boqor.

Sheekadda dambe, Jeneral Qaalib, waxa uu ii sheegay in uusan isagu aaminsaneyn in ay sax tahay, maadama uu qabo haddii Cabdullaahi Ciise balan qaadi lahaa in aan istiqaalada laga aqbalin Muuse Boqor in uusan ka qabteen warqadda sidaasna ku tageen, waayo ballan furka ma aqoon Cabdullaahi Ciise.

Gunaanad, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku yimi rabitaanka shacabka oo ilaa iyo maanta garabkiisa taagan, waxaa la xusuustaa farxaddii iyo muxubaddii ay ku soo dhaweeyeen habeenkii la doortay, booqashaddii gobolada iyo sidii ay u xaqiijiyeen in ay wali ka arkaan wixii ay ku jeclaadeen, taas, aniga oo aaminsan, waxaan dulucda taariikhdan uga gol leeyahay, 1, in aan dib u xusuusiyo sheekadaas, 2 in uu Abaalkii Geesi Cabdullaahi Ciise, maanta anaga noo gudo oo uu sii wado ku shaqeynta SOOMAALINIMADA.

Maxamed Muuse Maxamed Aadan
Email: Muhamedkaafi@Gmail.com
Waxaan soo xigtay barahayga Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya General Jaamac Maxamed Qaalib, Xafiduhullaah, oo isna sheekadan ka soo xigtay Raisul Wasarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Yusuf.