Imaaraadka oo ballan qaad cajiib ah u sameeyay Gaas xili uu galaayo doorasho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay hoosta ka xariiqday ka qeybqaadashada sida uu xilka ugu sii raagi lahaa Hogaamiyaha Puntland Cabdiwali Gaas.

Imaaraadka Carabta ayaa la xaqiijiyay in Cabdiweli Gaas ay u ballanqaaday inay kusii heyneyso xilka uu iminka hayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan garabyada mucaaradka Puntland ayaa laga soo xigtay in dowlada Imaaraadka ay Cabdiwali Gaas, u ballanqaaday inay kaalin weyn ka qaadan doonto sida uu kusii hana lahaa Kursiga uu wakhtigiisa kasii dhamaanaya.

Waxa ay sheegen in loo ballanqaaday dhaqaalaha uu uga gudbi lahaa doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Puntland, iyadoo laga duulaayo Heshiis hoosaadka uu kusoo saxiixay magaalada Abu Dabai.

Heshiiska ay magaalada Abu Dabai ku kala saxiixdeen Gaas iyo Imaaraadka ayaa waxaa kamid ah in garab dhaqaale uu Imaaraadka ka geysan doono ololaha doorasho, si uu mar kale usoo rogaal celiyo Cabdiwali Gaas.

Sidoo kale, Gaas ayaa dhankiisa ka ballanqaaday inuu tixgalin doono dhammaan Heshiisyada ay wada galeen Imaaraadka, waa haddii uu soo laabto, isla markaana uu cusbooneysiin doono Heshiisyada uu wakhtiga kasii dhamaanayo ee mashaariicda Imaaraadka.

Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Cabdiwali Gaas uu Imaaraadka Carabta u saxiixay 3 Mashaariic oo dheeri ah kuwaa oo faa’iidooyin ugu jira dowlada Imaaraadka Carabta.

Heshiiskan cusub ayaa waxaa si hoose ugu shaqeyn doona Shirkada DPWorld oo laga leeyahay dalka Imaaraadka horayna maamulka Puntland ula gashay Heshiisyo dhowr ah.

Ma cadda kaalinta dowlada Federaalka kaga aadan Heshiisyada qarsoodiga ah ee u dhexeeya Puntland iyo Imaaraadka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com