Wararkii ugu danbeeyay ee ololaha musharaxiinta u taagan xilka gudoomiyaha BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa ololaha Doorashada Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha baarlamaanka ee uu dhawaan iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ololaha oo maalintii Seddexaad si xooli ah uga socda magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay Musharaxiintu galayaan saacadihii ugu danbeeyay ee ololahooda.

Ololaha xooligiisa ayaa waxa uu ka socdaa Xarunta Villa Somalia iyo Hoteelada magaalada Muqdisho oo ay u badan yihiin Madaxda dalka, gaar ahaan Xildhibaanada baarlamaanka ee laga sugaayo codka.

Musharaxiinta qaar ayaa lasoo sheegayaa xitaa in xaafadaha ay ugu tagayaan Xildhibaanada si ay u helaan codadka ay ku gaari lahaayen Kursiga faaruqa ah ee uu baneeyay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Musharaxiinta ayaa waxaa ololahooda daba socda dhaqaale xoogan oo ay ku iibsanayaan codka Xildhibaanada, halka qaarna ay sameynayaan ballanqaadyo, waa haddii ay ku guuleystaan doorashada.

Inta badan Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashadda, waxaana lagu wadaa in maanta oo Axad ah uu soo idlaado ololaha Musharaxiinta.

Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhammaantood mid kaste oo ka mid ah waxa uu sheegay in uu doonaayo in uu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale, Guddiga doorashadda ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,isla markaana la doonaayo in Musharaxiinta ay wakhtigooda ka faa’iideystaan.

Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com