Muudeey oo war cusub ka soo saaray doorashada guddoomiyaha BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaliya, ahna ku simaha Gudoomiyaha Cabdiweli Ibraahim Muudey, ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Guddoomiyaha BF ay ku dhaceyso xiligeeda.

Muudeey, ayaa sheegay in Guddiga Doorashada iyo Guddoonka baarlamaankuba ay raaci doonaan Jadwalka Doorashada.

Waxa uu Guddoomiye Muudeey, carab dhabay in Doorashada ay noqon doonto mudada lagu ballamay, isla markaana ay ku dhici doonto waddo nadiif ah.

‘’Qorshaha waxa uu yahay xiliga ballanka, waxaan rajeyneynaa inaan ilaalino wakhtiga doorashada insha allah’’

Guddiga doorashadda ayaa sheegay in maalinta Isniinta ah ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa dhankiisa ka xaqiijiyay inaanu jirin dib u dhac u qorsheysan, waxa uuna ballanqaaday inay rajeynayaan raacida Jadwalka Doorashada.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com