Sheekh Maxamed Shaakir oo ku dhawaaqay arrin aad loogu farxo

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay ku biirayaan Gurmadka loo fidinaayo dadka kasoo jeeda Magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee wabigu kusoo fatahay.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxa Xukuumadda Galmudug, ayaa sheegay in Galmudug ay qaadaneyso kaalinteeda gurmad tan ugu wanaagsan.

Sheekh Shaakir, waxa uu sheegay in Galmudug ay door ka qaadan doonto Gurmadka loo fidinaayo dadkaasi, waxa uuna ku baaqay inaan la ilaawin dadka ku dhaqan Hiiraan oo idil.

Madaxa Xukuumadda Galmudug, waxaa uu ganacsatadda iyo Qeybaha kala duwan  ee bulshadda ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Gurmadka loo fidinaayo dadka ay saameeyeen Fatahaadda ku dhuftay Magaalada Baledweyne.

Sidoo kale, Sheekh Shaakir ayaa sheegay in dhamamaan Garoomadda Galmudug ay u furi doonaan Gargaarka loo waddo Hiiraan, si ay u isticmaalan diyaaradaha gargaarka sida.

Docda kale, Xukuumada Somalia ayaa ku dhawaaqday inay kaalin mug leh ka qaadaneyso barakaca iyo dhibta ka taagan goobaha uu ku fatahay wabiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com