Sawirro: Xasan Cali Kheyre oo amar kasoo saaray xaalada bini’aadanimo ee Baladweyne

Muqdisho (Caasimada Online)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka taagan xaalad bini’aadanimo tii ugu xumeyd, halkaasi oo ay roobab iyo daad kusoo fatahay ay ugu barakaceen in ka badan 150 kun qof iyo magaaladii oo kala xirantay.

Guryihii shacabka ayaa daadad qaaday, kumamaan qoys ayaa noqday hoy la’aan, cuduro ayaa ka dilaacay, waxaana gebi ahaanba dansan korontadii magaalada, halka ceelashii biyaha ay dadka biyaha ka heli jireen iyo daadkii isku darsameen, waxaa intaas usii dheer in bulaacadihii musqulaha wasaqdoodii ay ku hooreen ceelashii dadka cabayay.

Arrintaasi oo indhaha laga qabsan karin ayaa mudanayaasha laga soo doorto Hirshabeelle ay qeyla dhaan kasoo saareen, iyagoo cambaareyn ay u jeediyeen dowladda kadib, kulan deg deg ah uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Kheyre isugu yeeray hay’addaha dowladda, kuwa samafalka iyo safiirada caalamka ee fadhiya Muqdisho.

Kulankaasi ayaa looga hadlay xaalada murugsan ee fatahaada webiga Shabeelle oo dhibaato u geestay bulshada iyo deegaanka Baladweyne iyo Jowhar.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa magacaabay guddi ka kooban 22 xubnood oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkiisa, Mahdi Maxamed Guuleed (Khader), wuxuuna faray in ay kulan deg deg ah ka yeeshaan gurmadkan iyo sida ugu haboon uguna wanaagsan ee loo caawin karo shacabka. Waxuuna ku dhiiri geliyay in ay qorsheeyaan sida ay shaqada u wajihi doonaan.

“Waxaan isku raacnay in aan u gurmanno dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu gaartay sida ugu dhaqsaha badan, dawladda Soomaaliyeedna ay awoodeed ku jiheyso sidii dadkaasi loogu gurman lahaa. Waxaana farayaa hay’adaha sama-falka in gar-gaar walba oo ay hayaan gaarsiiyaan deegaanada dhibaatadu ka taagantahay.

“Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxa aan ka codsaneynaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gurmadaan walaalahooda. Gobalada deriska la ah meelaha dhibaatadu ka dhecceen waa in ay u gurmadaan shacabka dhibaataysan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Dhammaan Safiirada jooga Soomaaliya iyo madaxda Hey’adaha caawiya Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay sida ugu haboon qaybtooda uga qaadan doonaan gurmadka qaran ee loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed.