Yey kala yihiin Madaxda Saddex Hay’adood ee loo ogolaaday inay Korjoogto ka noqdaan doorashada GBFS?

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maalinta Isniinta ah ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ee bedeli doona Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Guddiga doorashadda ayaa mar kale xaqiijiyay in maalinta Isniinta ah ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana Musharaxiinta laga doonaayo inay ka faa’iideystaan wakhtigooda.

Guddiga doorashada ayaa la sheegay in doorashada ay ku martigaliyeen kor joogtada madaxda Saddex Hay’adood oo ka tirsan dowlada.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka Nuur Iidow Beyle ayaa sheegay in doorashada ay kaliya kor joogto ka noqon doonaan Madaxda:-

1-Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

2-Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.

3-Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka Xaliimo Yareey.

Guddoomiyaha Guddiga, ayaa sheegay in wixii ka badan Madaxda Seddexda Hay’adood aan loo ogolaan doonin inay Kor joogto ka noqdaan Doorashada dhaceysa Isniinta bari danbe ah.

Docda kale, Musharaxiinta u taagan xilka ayaa intooda badan ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashadda, waxaana sharaxan ilaa 11 Musharax oo dhammaantood Xildhibaano ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com