Kheyre oo ka digay laba arrin oo weli ka dhextaagan xarumaha dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ka digay musuqa gabaabsiga ah ee weli ka dhex jira xarumaha dowlada qaarkood.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay inay la socdaan dhammaan dhaqdhaqaaqyada shaqsiyaadka ka mas’uulka ah Xarumahaasi, waxa uuna ka digay inay ka waantoobi waayan  waxa ay gacanta kula jiraan.

Waxa uu tilmaamay in xarrun dowladeed uusan kasii shaqeyn doonin mas’uul ama shaqsi jecel inuu ku shaqeeyo musuq.

‘’Cidii jecel inay kusii shaqeyso musuq waxa ay banaanka uga bixi doontaa xarunta lagu aaminay, waayo ma wada shaqeyn doono anaga iyo kuwa saaxiibka u ah musuqa ee wali laga cabanaayo’’

‘’Waxaa jira shaqsiyaad ka haray kuwa musuqa u saaxiibka ah ee aanu la dagaalanay waxa ay iyaguna marayaan halka ay mareen kuwii hore’’

Sidoo kale, Kheyre ayaa sheegay inay jiraan warar muujinaaya in Xafiisyada qaar ay ka jiraan dhaqanada ‘’nin jecleysiga’’ waxa uuna ka digay in howsha Qaranka loo rogo nin jecleysi iyo wixii lamid ah.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa horay u sheegay in dowlada iminka jirta aysan lamid aheyn kuwii hore waxa uuna cadeeyay inay la dagaalami doonaan cid waliba oo ku sifowday musuqa iyo nin jecleysiga.

Si kastaba ha ahaatee, digniinaha labadan arrin ayaa kusoo beegmaaya iyadoo inta badan dalka uu ka socdo ololo lagu ciribtiraayo dhaqanada ceynkaas ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com