Xog: Imaaraat-ka Iyo maamul goboleedyada oo go’aansaday in ay dhisaan hal musharax iyo liiska musharixiinta ugu cad cad

Muqdisho (Caasimadda Online) – Warar kale duwan ayaa kasoo baxaya arrimaha Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya. Xilli Olole ballaaran uu ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, Villa Hargaysa iyo Hoteellada Magalaada.

Inta aanan gudaha u galin qorshaha Maamul Goboleedyada Iyo Imaaraadka, waxaan sharaxaad kooban ka bixinaynaa halka ay xaajadu ku biyo shubatay xalay iyo wararkii u dambeeyay ee loolanka doorashada Guddoonka Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Waxaa xalay Muqdisho ka dhacay kulamo xaasaasi ah, balanqaadyo siyaasadeed, Iyo kudlado wadahadal xoogani u bilowday, in kastoo natiijada kulamadaasi ay soo shaac bixi doonaan maantay illaa caawa.

Hadal haynta Musharaxiinta iyo saamaynta ay ku leeyihiin Ololaha ayaa had-ba waxay taagnayd heer laga qiyaas qaadan karo nooca natiijada doorashada maalinta Isniinta ah ka dhacaysa Hoolka Baarlamaanka Soomaaliya.

11kii Musharax ee u taagnaa xilka Guddoonka, illaa hadda ma jiro musharax ka tanaasulay xilkaas, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in maantay ay u badan tahay in ay Musharixiin tanaasulaan.

Saadaasha musharaxiinta ugu miisaan culus ayaa xalay illaa shalay kusoo biyo shubatay illaa 3 Murashax oo kale ah.

1)  Shariif Abdullahi Musharaxaan ayaa lagu tilmaamaa in uu ka madax banaan yahay dhinacyada siyaasadda isku haya,  waa musharax haddii uu soo baxo aysan Villa Soomaaliya u arag khatar weyn, inkastoo Mucaaradku ay la qaadanayeen kulamo kale duwan, ayna u arkeen in uu yahay musharax u babac dhigi kara Murashaxa Dowladdu taageerayso.

Shariif Cabdalla ayaa loo arkaa inuu yahay musharaxa kaliya ee buuxin karo booskaas, maadaama uu yahay nin oday ah oo muddo kusoo jiray Siyaasadda isla markaasna diyaar u ah inuu wadanka ka samata bixiyo Xaaladda adag oo uu ku jiro.

2) Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan ayaa ah Musharax ay xilligaan taageero naf iyo maal-ba leg ag dhigeen Xukuumadda Soomaaliya, Guddoomiye kuxigeennada Golaha Shacabka Muudey Iyo Mahad Cawad oo hadda ku midaysan murashaxaan, Iyo Shariif Xassan Shiikh Aadan madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo saaxiib dhow la’ ah.

3) Musharaxa 3aad oo soo xoogaystay xalay illaa shalay ayaa ah Ibraahim Isaaq Yaroow. Musharaxaan ayaa taageero ballaaran oo gacan lixaad leh ka helay Maamul Goboleedyada Dalka oo ay ugu horreeyaan Hoggaamiyaasha Puntland Iyo Jubaland.

Murashax Ibraahim ayaa dhawaan iska casilay xilka W/kuxigeenka Boostada Iyo Isgaarsiinta Dowladda Soomaaliya. Waana shaqsiga ay hadda welwelka weyn ka qabto Villa Soomaaliya.

Waxaana warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in taageerada maamulladu siiyeen Ibraahim Yarow ay ka dambayso Dowladda Imaaraadka Carabta oo maalmahaan ay ku sugnaayeen Madaxwaynayaasha Puntland Iyo Jubbaland.

Siyaasadda Soomaaliya ayaa gashay marxalad ka duwan marxaladihii horey loo saadaalin jirey.  Waxaana isha lagu hayaa maantay illaa caawa isbadallada dhici doona. Iyadoo la filayo in ay Musharaxiintu isku tanaasulaan, maadaama 3 Musharax oo mid kasta uu jiho salka ku hayo ay saadaashii isugu soo biyo shubatay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com