Sawirro: Shirkada Somtel oo toddobaadkii 12-aad abaal-marisay 1000 macaamiil

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho, Gudiga shaqaalaha rayidka  Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta  shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane Axmed Ciise Xaaji Oo aad u bogaadiyaya Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid ay  U baahnaayeen bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo sameeya ku shubasho  Wuu u tartami karaa

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada karaka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga  Waxaan balan qaadeeynaa inan galabta oo jimco ah (08/10/2021) si rasmi ah ugu dhawaaqno macaamiilkii ku guuleystay gaariga Hyundai Waliba Nuuca shaqada iyadoo macaamiisheenuu u furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartameen macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa gobalada. Waxaan shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiyay waxaan bixinay Dhowr  & labaatan bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan bogaadinayaa inaan badbaadinay qoysas soomaaliyeed oo ay soo food saartay xaalado nololeed. Waxaa sidoo kale xusid mudan dhamaan hadiyaha aan bixinay waxa ay ka jawaabayaan baahida macaamiisha sida bajaajyada  dahabka & Deeqda jaamacadeed”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka jaamacada simad  ahna ku simaha gudoomiyaha guud ee jaamacada Dr Maxamed Maxamuud oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda kucelisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen  Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiilka ku guuleystay gaariga Hyundai bishii 2aad laguna magacaabo C/raxmaan Nuur Maxamed oo ku nool Magaalada Buur-Hakaba ee gobalka Baay oo aan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada Sameeyay ku shubashada waxaan leeyahay waa tartan daah furan anigoo matalayy bahda waxbarashada ayaan gacanteyda ku generate gareeyay waxaa ku guuleystay macaamiil joogo gobalka baay waxaan leeyahay nasiib wacan”

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay mudane: Aadan Macalin Janaay oo ka socday Gudiga Shaqaalaha rayidka 

waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah u gudoonsiino macaamiisha guuleysatay todobaadkii 12aad Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta  si gaar ah uga  soo qeyb-galo  Si dhow ayan ula soconayaa ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh abaalmarino wax ku ool sida:  gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab,  Laptop-yo I.w.m ”

Waxa sidoo kale Munaasabada ka hadlay  Mudane:;C/laahi Cali Caamir oo ah Madaxa waaxda ganacsiga ee shirkadda isgaarsiinta Somtel

“Waxaan bogaadinayaa Saameynta Togan Ololaha ku shubo oo guuleyso 10,000 Hadiyadood waliba macamiisheena ku guuleysatay hadiyadaha  qaaliga sida, gaariga Hyundai ee bishii hore macaamiilkii ku guuleystay Mamao beeraleey ah oo ay shirkaddu ku abaalmarisay waa wax lagu faani karo  in macaamiishii ugu Mudneyd ee shirkaddu ku abaalmarisay Nasiibkooduna uu saaciday waxaa xusid mudan in galabta aan bixinay gaarigii labaad oo Hyundai ah uu markii labaad ay ku guuleysteen  Qof ka mid ah macaamiisheena ku dhaqan gobolada laguna magacaabo C/raxmaan Nuur Maxamed oo joogo magaalada buur-hakaba ee gobalka baay waxaan bixinay todobaadkan  bajaajkii 23 aad  taasoo macnaheedu yahay inaan fursado shaqo u abuurnay  23 qoys iyo 23 dhalinyaro oo qaarkood jaamacado ka baxay xaafadahooda iska joogay shaqo abuur rasmi ah u sameeysay shirkadda isgaarsiinta somtel”

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay e C/raxmaan Nuur Maxamed o ku guuleystay gaariga Hyundai ee todobaadkan

“Magaceygu waa C/raxmaan Nuur Maxamed filaneynin ijn somtel igu abaalmarineyso gaariga Hyundai waxaan uga faa’ideynayaa ehelkeyga waa shaqo abuur aan aad ugu baahi qabnay  xaqiiqdii marka somtel wey ku mahadsantahay inay macaamiisheeda dhiiragelin la taaban karo ay u sameeysay waa wax lagu faano waa markii ugu horeysay ee macamiil joogo gobalka baay uu ku guuleysto gaari Hyundai ah waliba nuuca ganacsiga loogu talagalay ee dhikiilada loo yaqaano waxaan rajeeynayaa in isla todobaadkaan shirkaddu tikid ii jarto waliba xamar aan imaado oo aan gudoomo hadiyadii ay shirkadu igudoonsiisay”

Isku soo wada duuboo Dhamaan  macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood  , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaariga hyundai kaasoo todobaadka  aan bixinay  gaarigii labaad waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta  Ololaha ku shubo oo guuleyso 0, hadiyadood macaamiil Waad  u  u tartami kartaan fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo, ugu dambeyntii uga shubo adeegga eDahab  Reseller 

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai bishii aad lagu guuleystay shirkadda somtel ay ku bixin doonto xaflad balaaran taasoo algu qaban doonto mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan ee magaalada muqdisho hadaba si dhow ula soco munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.