Xog: Sababta loo baajiyey shirkii lagu shaacin lahaa xaqiiqda kiiska Ikraan Tahliil

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 8-dii September, oo hadda laga joogo bil, wuxuu iclaamiyey shirka golaha amniga Qaranka si warbixin looga dhageysto taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Shirkaan oo loo ballansanaa 18-kii bishii lasoo dhaafay ayaa baaqday.

Kooxda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay baaqashadii koowaad ku micneeyeen Fahad Yaasiin oo laga hor-istaagay inuu safar ku tago Magaalada Muqdisho si uu shirkaas uga qeybgalo. Laakiin waxay madaxtooyada ku adkeysatay in deg deg loo qaban doono shirkaas markii uu Fahad yimaado.

Fahad Yaasiin ayaa Muqdisho kusoo laabtay 2,1 bishii lasoo dhaafay markii ay diyaarad khaas ah kasoo qaaday Magaalada Istanbul.

Illaa hadda wuxuu ku sugan caasimada, laakiin Villa Somalia ayaa u muuqata inay iska tuurtay qorshihii qabashada shirka golaha Amniga Qaranka.

Fahad weli kama uusan jawaabin eedaha loo heysto mana uusan fullin ballantii aheyd inuu shirka Golaha Amniga Qaranka ka hor sheegi doono wixii xog ah oo ay ka hayaan Kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Madaxweyne Farmaajo oo isaga aad loogu tuhunsan yahay inuu diidan yahay in xaqiiqda arrintaani ay bannaanka timaado ayaan isna dib u jadwaleyn Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Tuhunka ku saabsan in illaa iyo hadda aan la bilaabin wax baaris ah oo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil, is ilowsiinta kooxda madaxweyne Farmaajo ee shirkii Amniga Qaranka iyo aamusnaanta saraakiishii la eedeeyey ayaa dad badan gelineysa dareen ah inuu socdo isfaham hoose oo lagu dhameenayo arrinta sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax.

Waxaa yaraaday waydiimihii Shacabka ee arrintaan iyadoo si weyn looga mashquulay arrimaha doorashooyinka ee heer Federaal. Xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble ayaa iyagana la sheegay inay hoos u dhigeyn miisaanka arrintaan, sidoo kalana waxaa aamusay qoyska Ikraan Tahliil.

Waxaa muuqato in madaxweyne Farmaajo uu helay dariiq ka dhow Shirka Amniga Qaranka oo looga gudbi karo xiisadda Ikraan Tahliil.

Shacabka Soomaalida ayaa weli sugaya faahfaahino dheeri ah oo ku saabsan xaladda gabadhaan oo gurigeeda laga wataya 26-kii Juun ee sanadkaan.

Inta badan kiisaskii waaweynaa ee dhacay intii uu xilka hayey madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhammaaday afkaaga xiro, taasoo dhalisay walaac badan oo dhanka amniga ah iyo wada-shaqeynta hey’adaha Dowladda.

Ra’iusul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo isaga dusha saartay arrinta Ikraan Tahliil Faarax ayaa weli indhaha lagu wada hayaa, mana jirto wax hormar ah oo illaa hadda ka sameeyey dagaalki uu galay caddaalad u raadinta Ikraan.

Walaac badan ayaa laga qabaa inuu dib u gurtay Ra’iisul Wasaare Rooble, laakiin marka la eego heerka ay gaartay dhacdadaan si fudud oo bilaa jaawaab ah ugama baxsan karo Rooble.

Haddii arrinta Ikraan Tahliil ku dhammaato sidii kiisaskii hore ee afkaaga xiro, waxay ka dhigan tahay niyad jab xagga shacabka ah iyo inaan madaxda Soomaalida u taagneyn dhismaha dowladnimo ay hey’adaha cadaaladda xoog badan yihiin.