Sawirro: Shirkadda Apple oo shalay soo saartay 3 teleefon iPhone oo cusub

Cupertino (Caasimada Online) – Shirkadda Apple ee samaysa taleefonka loogu jecel yahay dunida ee iPhone ayaa xarunteeda Cupertino ee gobolka California shalay shaaca uga qaaday saddex taleefon iPhone cusub, oo dhowaan suuqyada caalamka soo geli doono.

Saddexda Taleefon ee Apple ay ku dhawaaqyda ayaa kala ah iPhone XS oo cabirka shaashaddiisu yahay 5.8 inch, iPhone XS Max, oo cabirka shaashaddiisu yahay 6.5 inch iyo iPhone XR oo leh cabir shaashad oo ah 6.1 inch. Xarafka X ayaa u taagan 10.

iPhone XS, oo ah kan ugu yar saddexda ayaa dalka Mareykanka laga iibin doonaa 999 dollar ka hor lacagta canshuurta oo ku dhowaad 100 dollar oo dheeri ah ku dari doonta, ayada oo ay ku xiran tahay gobolka qofka uu ku nool yahay. iPhone XS wuxuu beddeli doonaa iPhone X oo soo baxay sanadkii tagey.

Taleefonka iPhone XS Max ayaa isna ku fariisan doona lacag dhan 1099 dollar ka hor canshuurta, halka iPhone XR uu noqo doono 749 dollar. iPhone XR ayaa ka raqiisan labada kale, sababo la xiriira shaashada muraayadda oo ka tayo liidata kuwa kale, iyo isaga oo aan lahayn laba kaamiro. Shirkadda Apple ayaa ugu talo-gashay midkan inay iibsadaan dadka ka cararaya qiimaha sare.