Xildhibaano loogu hanjabay dil haddii ay sammeeyaan arrin looga digay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in hanjabaado loo diray qaar kamid ah Xildhibaanada maamulkaasi.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka ayaa sheegay in loogu hanjabay dil, isla markaana loo soo diray fariimo qoraal ah oo lagu wargalinaayo inay ka baxaan garabka mucaaradk Shariif Xasan.

Xildhibaanada oo u waramaayay Idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hanjabaadasi ay uga imaaday Wasiirka Garsoorka ee Maamulka Koofur Galbeed, sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaanada loo hanjabay oo qeyb ka ah garabka la magacbaxay isbeddel doonka ayaa sheegay in lagu wargaliyay inay ka baxaan Mooshinka ay kawadan Hogaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada oo shir gaara ku qabsaday magaalada Baydhaba ayaa cod dheer ku sheegay in  Wasiirka Garsoorka Maamulka uu dil ugu hanjabay haddii aysan joojin mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan.

Xildhibaanada hanjabaada loo jeediyay oo shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhaba ayaa sheegay in tiradooda ay gaareyso ilaa 91 Xildhibaan, waxa ayna cadeeyen in hanjabaadooda ay timid kadib markii ay saxiixeen Mooshinka.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa Wasiirka Garsoorka Koofur Galbeed ugu baaqay in uusan ku faragelin arrimaha shaqadooda quseeya.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xili uu soo ifbaxaayo warar sheegaya in Xildhibaanada ay wadaan Mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan ka hor inta uusan galin doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com