CC Shakuur oo facebook soo dhigay qoraal aad uga yaabiyey dadka Soomaalida

Muqdisho (Caasimada Online) – Yaab! Mise amakaag!, baraha bulshada illaa iyo hadda waa laga yaaban yahay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo dagaal aan kala joogsi lahayn ku haya madaxweyne Farmaajo, ayaa xalay facebook soo dhigay qoraalkii ugu macno daradda badnaa oo ilaa iyo hadda lala yaaban yahay waxa uu ula jeeday.

Qoraalkan ayaa daba socday safarkii uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo shalay ku tagay Addis Ababa oo ay shir ku lahaayeen madaxda urur gobolleedka IGAD.

Markii uu Madaxweyne Farmaajo gaaray madaarka Addis Ababa waxaa qaabilay oo soo dhaweeyey  madaxweynaha Somali State Mustafe Cagjar iyo wasiirka warfaafiinta Itoobiya Axmed Shide, taas oo ahayd tallaabo muujiyey sida loo qadarinayo madaxweynaha Soomaaliya, maadaama ay soo dhaweeyeen Soomaali,.

Hase yeeshee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa taas ka raadiyey dhaliil, haba ka raadiyee ma xumee, Meesha uu la galay ayaa aad u yaab badneyn, oo wuxuu yiri:-

Ma jirtaa qof fasirraad ka bixin kara macnaha uu yeelan karo qoraalkaas kore? Hase yeeshee jawaabihii ay dadka ka bixiyeen ayaa muujiyey heerka xun ee ay la gaartay ina Cabdishakuur, xitaa dad isaga taageersanaan jiray ayaa yiri “Intaas ayay nooga dhan tahay”

Qof lagu magacaabo Cumar Guuleed, ayaa ku yiri “Tilaabo kasta oo Farmaajo iyo Khayre qaadaan hadaad si xun umada ugu fasirto, ogoow dadku kaama caqli liitaan, adigana xikmada hadalkaada ayaa ka lumaysa …Waxaan murugo iyo qalbijab aheena kuuma kordhineeyso?

Cabdi Weli ayaa isna yiri “Saad isu laheyd dowladda Farmaajo wax ka sheeg ayaad ku dabaaalowdey, warna iskuma heysid ee isdaba qabo waad waalataye acuudu billah”

Qof isna la baxay Wiilka Darbijiifta ayaa yiri “Odaygii waa wareeray, wallaahi cudur Farmaajo la dhaho aya ku dhacy oo an daawo lahayn”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa dhowaanahan mid tallaabo walba oo uu qaado madaxweyne Farmaajo wax ka soo qora!

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com