Abiy Axmed oo ka hadlay sida uu arko beddelka lagu sameeyey calankii DDSI

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay bedelka lagu sameeyay calanka maamulo hoostaga dowlada iyo suuragalnimada xitaa in la bedelo calanka Ethiopia.

Abiy Axmed, waxa uu sheegay in bedelka calanka DDSI iyo kuwo kale uu yahay mid ku imaaday wadatashi iyo in baarlamaanka maamulka horay loogu gudbiyay calanka hadda uu qaatay maamulka.

Waxa uu tilmaamay in wax weyn uusan aheyn calan lagu sameeyo bedel, waxa uuna carab dhabay in wax waliba lagu bedeli karo keliya wadatashi iyo wanaajin.

Wuuu sheegay in calanka dartii aan loo baahneen iney rabshado iyo iska horimaadyo dalka uga dhacaan.

Muwaadiniinta dalka Ethiopia waxa ay bannaan baxyada ay sameeynayeen bilihii ugu danbeeyay u adeegsanayeen calamo kala duwan oo isugu jira kan dalka oo dhowr nooc ah.

Maalinti shalay ahaydna waxaa magaalada Addis Ababa isku gacan qaaday taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF iyo dhalinyara ka soo horjeedda. Taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF oo isku dayay calanka dalka meela uu ku buufsanaa iney ku beddelaan calanka jabahadda OLF ay leedahay halkaasina iska horimaad uu ka dhashay.

Abiy Axmed, waxa uu sheegay in wax weyn uusan aheyn calanka, wuxuuna tusaale usoo qaatay in la bedeli karo xitaa calanka Ethiopia.

Dr Abi Axmed wuxuu sheegay calanku inuu yahay astaan uu dal ama xisbi siyaasadeed uu u adeegsado in lagu aqoonsado, cid walbana waxay xaq u leedahay iney aragtida siyaasadeed ee ay aminsan tahay ay si xor ah u soo bandhigto, xorriyaddaasina waxaa ka mid ah calanka.

“Mareykankaba calankiisa wuxuu beddelay ilaa iyo 13 jeer marka Itoobiyana haddii ay muwaaddiniintu dalka raalli ka noqdaan waa la beddeli karaa, waa ineynu ka fikirnaa oo keli sidi dalka aan horumar u gaarsiin laheen noolasha dadkana aan wax uga beddeli laheen”

“Ma aha inaan ku mashquulno waxyaabo aan dalka wax ku soo kordhineyn oo weliba burbur u horseedi kara”. Ayuu yiri Abiy Ahmed.

Haddalka Abiy Axmed ayaa imaanaya xili maamulada hoostaga dalkaasi ay isku dayayaan in bedel lagu sameeyo calamada lagu aqoonsado, halka xisbiyada mucaaradka iyo qowmiyaduhun ay yihiin kuwo isku haya

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com