28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Sidee ayuu u dhacay kullankii BF ee maanta, maxaase kasoo baxay?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kalafadhigii Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta furmay 1:50 Duhurnimo xiliga Muqdisho, waxaana soo xaadiray Xildhibaano gaaraya 139 Xildhibaan.

Xildhibaanada ayaa badankood saxiixay diiwaanka oo kaliya, kadibna iska tagay, iyada oo sida aad sawirada ka aragtaan ay xildhibaano faro ku tiris ah ay dhageysteen miisaaniyadda iyo hindise sharciyeedyadii ay wasiirada akhriyeen.

Dib u dhaca furitaanka Kalfadhiga ayaa loo aaneeyay Xildhibaanada Federaalka oo badakooda aaday xafladda lagu caleemo saarayo Shariif Xasan Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ee ka soco Baydhabo.

Ajendayaasha maanta ee kalfadhiga Baarlamaanka ayaa kala ahaa: Akhrinta Koobaad Hindise Sharciyeedka Gudiga Madax Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka, Akhrinta Koobaad ee Miisaanaiyadda sanadka 2015, Qeybinta Hidiso Sharciga lagu dhisaayo gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka qaranka.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Barre ayaa ka hor akhriyay Baarlamaanka: Akhrinta Koobaad Hindise Sharciyeedka Gudiga Madax Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka iyo Qeybinta Hidiso Sharciga lagu dhisaayo gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka qaranka, Xildhibaanada ayaa lagu wadaa in ay soo akhristaan qorshayaashaas kana doodaan kalfadhiyada soo socda.

Dhinaca kale wasiirka Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane ayaa sidoo kale ka hor akhriyay Baarlamaanka Akhrinta Koobaad ee Miisaaniyadda sanadka 2015, Xildhibaanada ayaa sidoo kale akhrin kadib ka doodi doona Miisaaniyadda kalfadhiyada soo socda.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xildhibaanada ku adkeeyey in kulanka barito oo ku saabsan mooshinka ay usoo diyaargaroobaan, isagoo xusuusiyey in labada galinba la shaqayn doono “Xildhibaanada xanuunsan xitaa kaniinkooda horey ha usoo qaateen” ayuu yiri guddoomiyaha.

god1god2god3god4god5god6god7

- Advertisement -

Read more

Local News