26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

La-yaab cusub: SHIMBIR bam lagu soo xiray oo toogasho lagu dilay kaddib…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu daabacay Wargeysyada kasoo baxa dalka Afghanistan, ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada wadankaasi ay  toogteen shimbir Bam lagu soo xiray, taasi oo la doonayay in lagu qarxiyo bar kontorol oo Boolisku lahaayen.

Sidoo kale, Warbaahinta ayaa sheegtay in toogashada Shimbirtaasi uu fuliyay Sargaal la sheegay inuu ka tirsanaa Booliska kaasi oo feejignaan adag muujinaayay, kana shakiyey shimbirka.

Toogashada kadib ayaa waxaa shimbirta laga furay Qaraxii ku xirnaa, waxaana laga helay radio ku xirnaa iyo calaamado iyo nambaro lugteeda lagu soo xiray.

Dhanka kale, Arrintaani ayaa ah mid ku cusub caalamka oo idil, waxaana ay boolisku sheegeen in ay baarayaan dhacdadan iyo cidda ka dambeysa.

shimbir

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News