Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan DF Somalia, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka dhashay ka qeybgalka Caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Seddexda Gobol Shariif Xassan Sheekh Aadan.
Mas’uuliyiin ay kamid yihiin R/W C/weli Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan BF ayaa qaadacay Maamulka Seddexda Gobol waxa ayna kasoo horjeesten inay ka qeybqaatan Munaasabada lagu Caleemo saarayo Madaxweyne Shariif Xassan.
Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu Munaasabadaasi ka qeybgalay isaga oo aan kala arrinsan madaxda ka tirsan DF, gaar ahaan kuwa kasoo jeedo Gobolkaasi.
Mas’uuliyiinta kor ku xusan qaarkood ayaa iyagu diiday in Madaxweynaha ay Safarkaasi ku wehliyaan, waxaana la filayaa in soo laabashada Xassan sheekh kadib arrinta Maamulkaasi ay ka arrinsan doonaan madaxda Qaranka.
Dhawaan ayay aheyd markii uu R/W C/weli iyo Gudoomiyaha BF Maxamed Sheekh Cusmaan ay shaaciyeen inaysan aqoonsan doonin natiijadii kasoo baxdo shirkii lagu doortay Madaxweynaha Mamaulka Seddexda Gobol.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

